Taliyihii hore ee Booliska Puntland Gen. Gaani Maxamed oo ku geeriyooday dalka Faransiiska

Taliyihii hore ee Booliska Puntland Gen. Gaani Maxamed Aw Cabdi ayaa sida la xaqiijiyay saaka ku geeriyooday dalka Faransiiska.

Marxuum Gaani ayaa Taliyaha Booliska Puntland soo noqday Xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Cadde Muuse waxaana lagu xasuustaa in uu shaqa weyn ka qabtay dhismaha iyo Tababarka Ciidanka Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo ku hadlaya magaciisa, kan Ciidanka Booliska, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Gen. Gaani Aw Maxamed Cabdi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muumin Cabdi ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Puntland, si gaar ah waxa uu uga tacsiyadeeyay, qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka.

PUNTLAND POST