Wufuud kala duwan oo ku wajahan magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland

Wufuud kala duwan oo ka qayb galaya caleema-saarka madaxda la doortay ee Puntland ayaa ku wajahan magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in munaasabadda caleema-saarka lagu casumay inta badan madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed kuwaas oo la filayo in ay yimaadaan Garoowe.

Inta badan Ra’iidul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo heer Federaal ah ayaa sidoo kale lagu marti-qaaday xafladda caleema-saarka madaxda la doortay ee Puntland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in caleema-saarka lagu casumay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya balse lama xaqiijin weli in ay imaanayaan.

PUNTLAND POST