
Inta badan isimada dhaqanka Puntland ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda shir deg deg ah uga furmo magaalada Garoowe.
Shirka odayaasha dhaqanka ayaa looga arrinsanaya khilaafka weli ka taagan arrimaha doorashada gaar ahaanna xulista xildhibaannada Baarlamanka.
Wararka ayaa sheegaya in isimadu shirkooda xoogga lagu saarayo muranka ka taagan xulista 17-ka xildhibaan ee laga soo doorto SSC kuwaas oo xukuumadda madaxweyne Deni suuqa ka qoratay.
Isimada dhaqanka ayaa la filaya in ay caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan xulista 17-ka xildhibaan ee laga soo doorto SSC iyo go’aanka laga qaadanayo.
PUNTLAND POST