
Alle ha u naxariistee, Wasiirkii Haweenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyootay dalka Jabuuti.
War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in ay dalka Jabuuti ku geeriyootay wasiirkii Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda aadanaha marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.
Marxuumad Khadiijo oo kamid ahayd wefdiga Ra’iisul wasaare Xamse ee ku sugan dalka Jabuuti ayaa maalmahan ku xanuunsanayd halkaasi, sida laga soo xigtay mas’uuliyiintii safarka ku wehelisay.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa durba ka tacsiyeeyay geerida marxuumadda oo sidoo kale mudda dheer ka tirsanayd Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST