Guddiga Amniga Doorashada Puntland oo la magacaabay

Garoowe: 12 December 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 68 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Amniga Doorashada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiis 80-aad

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo in la adkeeyo ammaanka mudada doorashadu socoto.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay Guddiga Amniga Doorashooyinka xubnaha hoos ku xusan oo kala ah:-

1. Wasiir Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Guddoomiye)
2. Lataliye Cabdi Xirsi Cali Qarjab  (Xubin)
3. S/guuto  Muumin Cabdi Shire  (Xubin)
4. S/guuto Aadan Cabdi Xaashi (Xubin)
5. S/guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) (Xubin)
6. S/guuto Jamaal Carab Yuusuf (Xubin)
7. S/gaas Muxiyadiin Axmed Muuse  (Xubin)

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-