
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Karaash ayaa digniin adag u jeediyay Madaxweyne Siciid Deni oo uu ku eedeeyay awood maroorsi iyo diktaytarnimo.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa looga digay in cawaaqib xumo ka dhalan doonto tallaabo kasta oo aan heshiis lagu ahayn ee uu qaado madaxweyne Deni.
“Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash oo bulshada reer Puntland u cadeeyey in cawaaqib xumada ka dhalata isku day awood maroorsi oo lagu sameeyo Arrimaha masiiriga ah uu qaadi doono Madaxweynuhu”.
“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil”.
“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho” ayaa lagu yiri Qoraalka Axmed Karaash.
PUNTLAND POST