
Dadaallo lagu xallinayo muranka ka dhashay mudda kordhinta uu samaystay Baarlamanka Puntland ayaa ka bilowday magaalada Garoowe.
Dadaallada bilowday ayaa lagu raadinaya in muranka jira lagu dhameeyo sida ugu dhakhsaha badan loona jihaysto xulista xildhibaannada xiga.
Baarlamanka Puntland ayaa maalmo ka hor ansixiyay sannad mudda kordhin ah si ay u sii joogaan kadib markii ay tix-raaceen go’aankii Isimada SSC-khaatumo ee lagu xalliyay khilaafkii doorashada.
Waxaase tallaabadan ka horyimid xukuumadda madaxweyne Deni oo ku tilmaantay sharci-darro islamarkaana sheegtay in Baarlamanka la kala dirayo.
Xukuumadda ayaa sidoo kale ka dalbatay maxkamadda dastuuriga ah in ay go’aan sharciyeed ka soo saarto arrinta Baarlamanka.
PUNTLAND POST