Madaxweynaha Puntland oo Kulan la yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

War rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ay hoggaaminaysay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Liang.

“Kulanka ayaa looga hadlay Dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii marwalba Puntland u qaadan laheyd doorkeedii muhimka ahaa ee lagu yaqaanay, waxaa sidoo kale Kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Gobolka Sool iyo Doorashooyinka Puntland sidii ay u dhici laheyd doorasho dimuqraadiya oo nabad ah” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

PUNTLAND POST