Maxamed Kaahin oo hurinaya colaad beeleed ka taagan Qorulugud

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa sida wararku tibaaxayaan maalmahan degmada Caynaba ka ururinaya maleeshiyaad hubaysan oo loo daabulayo dhinaca hawdka.

Maleeshiya-beeleedka oo laga keenay degaanno kala duwan ayuu Caynaba ku diyaariyay Korneyl Maxamed Kaahin si loogu qaado dhanka hawdka ah gaar ahaanna tuulada Qorulugud.

Degaanka Qorulugud waxa ka taagan xiisad u dhexaysa laba beelood oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo SSC-khaatumo taas oo uu sii hurinayo taliska Muuse Biixi ee lagu jebiyay dagaalkii Laascaanood.

PUNTLAND POST