Madaxweyne Deni oo saaka Garoowe kula shirsan saraakiisha ciidamada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa saaka Taliska 54-aad ee duleedka Garoowe shir kula leh saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Daraawiishta Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu saraakiisha kala hadlayo xaaladaha amni ee Puntland iyadoo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo ka taagan doorashada 2024.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shalay kulan dheer la yeeshay guddiga Amniga gobolka Nugaal oo uu kala hadlay dar dar gelinta Amniga gobolka gaar ahaan caasimadda Garoowe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Siciid Deni uu dhawaan magacaabi doono Taliyaha cusub ee ciidanka Daraawiishta iyo mas’uuliyiin kale.

PUNTLAND POST