Azerbaijan: Dagaalkii Gobolka Nagorno-Karabakh oo dib u qarxay

Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday Azerbaijan in ay hakiso howlgalka militari ee ay ka billowday gobolka ay maamulaan Armeeniyiinta ee Nagorno-Karabakh, halka Ruushka uu ku booriyey labada dhinac inay hakiyaan dhiigga daadanaya.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa taleefonka kula hadlay madaxweynaha Azerbaijan Ilham Iliyev iyo ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan, isaga oo Baku ku booriyey inay xiisadda qaboojiso.

“Waxaan maanta la hadlay madaxweynaha Azerbaijan Aliyev, waxaana ku booriyay inuu si deg deg ah u joojiyo howlgalka militari ee Nagorno-Karabakh,” Blinken ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Qoraalka wada-hadallada ayey Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ku sheegtay in Aliyev “uu muujiyay inuu diyaar u yahay” joojinta colaadda iyo inuu kulan la yeesho wakiillada Nagorno-Karabakh.

Armenia ayaa dhul ballaaran kula wareegtay dagaal dhacay markii Midowgii Soviet uu burburay. Azerbaijan ayaa inta badan ku soo ceshatay dagaal lix toddobaad socday oo dhacay 2020, kaasi oo ku istaagay xabbad-joojin uu Ruushku dhex-dhexaadiyey.

PUNTLAND POST