Ciidamada Amniga Muqdisho oo fashiliyay qarax ismiidaamin ah

Mas’uuliyiinta amniga ee Muqdishu ayaa sheegay inay ciidamadu ka hortageen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof isa soo miidaamiyey maanta.

Baabuurkaasi ayaa ku qarxay bar kontrool oo ku taalla duleedka degmada Dayniile ee Muqdishu oo ay ciidamada ka waardiyeeyaan amniga magaalada.

Mas’uul ka tirsan degmada Dayniile oo lagu maacaabo Cali Cabdi Faarax ayaa warbaahinta u sheegay in shan askari ay ku dhaawacantay weerarka, ciidankuna ay fashiliyeen.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa inuu jiro ugu yaraan qof rayid ah oo ku dhaawacmay weerarkaas.

Ururka al-Shababa ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

PUNTLAND POST