
Shacabkii ka bara-kacay colaaddii Laascaanood ayaa Todobaadkan bilaabay in ay dib ugu laabtaan magaaladoodii.
Wararka ayaa sheegaya in qoysaskii ka bara-kacay dagaalka ay hadda dib ugu laabanayaan Laascaanood kadib markii ciidamada Somaliland laga saaray Gooja-cadde.
Madaxweynaha SSC-khaatumo oo habeen ka hor shir jaraa’id ku qabtay Laascaanood ayaa shacabka ugu baaqay in aysan magaalada ku laaban inta laga nadiifinayo haraaga madaafiicdii lagu duqeeyay ee aan weli qarxin.
Madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sheegay in haraadiga madaafiicda yaalla Laascaanood ee aan weli qarxin ay khatar amni ku yihiin dadka soo laabanaya islamarkaana laga feejignaado arrintaas.
PUNTLAND POST