Dagaal mar kale saaka ka bilowday jiidda Laascaanood

Dagaal ayaa mar kale saaka ka socda jihooyin kamid ah  furimaha dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ay madaafiic culus is weydaarsadeen ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland sida ay sheegayaan goob-joogayaal.

Dhawaqa hubka culus ayaa saaka laga maqlayaa jiidaha bari iyo galbeed ee Laascaanood inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin khasaaraha labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xooggiisa uu hadda ka socdo jiidda bari ee Laascaanood halkaas oo aad labada ciidan isugu dhaw yihiin.

PUNTLAND POST