
Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya ayaa mudda saddex bilood ah baaris ku sameeyay ilaa afartan ruux oo ku eedaysan musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa saddexdii bil ee la soo dhaafay ku guuleystay in uu Baaris ku sameeyo dhammaan dadkaas.
Mas’uuliyiinta baaritaanka la mariyay ayaa ku eedaysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dadweyne, ku tagrifal awoodeed , sida ay tebisay wakaaladda SONNA.
Afartanka ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, halka tirada dhiman weli uu ku socdo Baaritaan dheeri ah.
PUNTLAND POST