Dagaal culus oo hadda ka socda ka jiidda Laascaanood

Dagaal u dhexeeya ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland ayaa ka socda jiidda bari ee Laascaanood.

Dagaalka ayaa bilowday saacado yar kadib markii ciidamada Somaliland duqaymo xooggan la beegsadeen gudaha magaalada Laascaanood.

Dhawaq hubka noocyada kala duwan ee hubka ayaa laga maqlayaa jiidda dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay.

Jihada galbeed ee Laascaanood ayaa sidoo kale duqaymo ka socdaan waxaana wararku sheegayaan in labada dhinac is weydaarsanayaan.

PUNTLAND POST