
Shirkadda duulimaadka ee Turkish Airlines ayaa ku guuleysatay shirkadda ugu wanaagsan ee duulimaadyada Yurub, waa markii siddeed oo la guddoonsiinayo abaalmarintan ay bixiyo Skytrax, oo ah hay’adda caalamiga ah ee qiimeysa gaadiidka cirka.
Diyaaradaha shirkadan ku duusha calanka Turkiga , ayaa sidoo kale la siiyay abaalmarinta kuraasta ugu wanaagsan ee heerarka Business Class , Economy class iyo cunto-siinta, ee Koonfurta Yurub.
Turkish Airlines, waa shirkii u horreysay ee caalami ah oo burburkii kaddib duulimaad ka bilowday Soomaaliya.
PUNTLAND POST