
Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, Madaxweyne hore Gaas, Ra’iisul wasaare hore Cumar Cabdirashiid, Senatarro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo ku shiray magaalada Naitoobi ayaa ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland.
Xildhibaan Cismaan Cali Yuusuf oo kamid ah xubnaha Baarlamanka Soomaaliyeed ee laga soo doorto Puntland oo ka warbixiyay Shirkaas Nairobi ayaa sheegay in looga hadlay doorashada Puntland ee 2024, Ilaalinta Dastuurka Puntland iyo sidoo kale arrinta dagaalka Laascaanood.
” Gudoomiyaha waxaa lagula dardaarmay in Dastuurka Puntland oo ah heshiis Bulsho ay ilaashaan Golaha wakiiladdu, sida oo kalena in ay ka shaqeeyaan in Puntland ay doorasho la isla ogol yahay ay ka dhacdo 8 Jan 2024 ” ayuu yiri xildhibaan Cismaan Yuusuf.
Arrinta Laascaanood ayaa sida Xildhibaanku sheegay la isla gartay in ay waajib tahay in dhammaan laga wada qayb qaato difaaca Laascaanood iyo guud ahaan SSC-Khaatumo.
PUNTLAND POST