Booliska Gobolka Nugaal ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay gacanta ku dhigeen eedaysane loo haysto dil ka dhacay Garoowe.
Qoraal ka soo baxay Booliska Gobolka Nugaal ayaa lagu xaqiijiyay in ciidanku gacanta ku dhigay Axmed Maxamed Shire oo ku eedaysan dilka marxuum Cabdiqadir Siciid Cabdi oo habeen ka hor uu ku dilay Garoowe.
” Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal Ayaa Gacanta Ku Soo Dhigay Edeysane Axmed Maxamed Shire Oo Dil Torey U Gaystay Marxuum Cabdiqadir Siciid Cabdi” ayaa lagu yiri warkaas.
Taliyaha Qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sidoo kale laga soo xigtay in edeysane Axmed Maxamed Shire hadda uu Ku Xiran Yahay Saldhiga Dhexe Garowe Baritaana lagu wado Sharcigana La Hor gayn Doono.
PUNTLAND POST