
Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta oo Sabti ah magacaabay guddi gaar ah oo ka soo tala bixiya wax ka beddelka Dastuurka Puntland.
Guddiga oo ka kooban shan xildhibaan ayuu Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland u xil saaray ka soo tala bixinta soo jeedinta ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka ee ay ansixisay xukuumadda Puntland.
Xil. Sharma’arke Cali Cilmi ayaa guddoomiye u ah guddigan sida ku cad warqadda magacaabista waxaana xubno ka ah; xil. Maxamed Cabdi Faarax, xil. Ismaaciil Cabdi Abtiile, xil. Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo xil. Maxamed Cabdi Warsame.
Guddiga waxaa sidoo kale kaalinaya agaasimaha xeerarka iyo xeer-dejinta Baarlamanka Cabdinuur Xasan Maxamed iyo agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda ee Baarlamanka Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamed sida ku xusan magacaabista.
PUNTLAND POST