Madaxweynaha Puntland oo dowladda Soomaaliya ku dhaliilay sida ay u wajahday arrinta Laascaanood

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay sida ay u wajahday colaadda ka aloosan Laascaanood.

Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka qabsoontay Garoowe ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gabtay mas’uuliyaddii ka saarnayd arrinta Laascaanood.

“Somaliland xoog kuma xukumayso SSC, waqtiga yaan layska lumin- wali si ehelnimo baan idiinla hadlaynaa- Dawladda Faderaalka masuuliyadii ka saarnayd Laascaanood wey gabtay- gardarro garab ayay kusiinaysaa Somaliland” ayuu yiri Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka horyimid Ergeyga dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday Arrimaha wada-hadalka Somaliland waxaana uu sheegay in aysan xilligan ku habboonayn arrintaas.

PUNTLAND POST