
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa as’aasay Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Puntland.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu as’aasay Xafiiska cusub ee Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada.
Avv. Maxamuud Xassan Aw Cismaan oo hore looga qaaday xilka Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa loo magacaabay Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada.
Sidoo kale Avv. Nuur Ciise Maxamed oo hore u soo noqday Guddoomiye xigeenka iyo sii-hayaha Guddoomiyaha Maxkamdda sare ayaa isna loo magacaabay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Dowladda Puntland.
PUNTLAND POST