Madaafiic culus oo saaka ka dhacaysa furimaha dagaalka Laascaanood

Xiisad iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo abaabulan ayaa saaka laga dareemaya nawaaxiga Laascaanood.

Ciidamada Somaliland iyo xoogagga difaaca shacabka ee SSC-Khaatumo ayaa saaka is weydaarsanaya madaafiicda culus.

Saan-saanta diyaar-garow ciidan oo xooggan ayaa sidoo kale laga soo werinaya furimaha dagaalka labada dhinac.

Dhammaan jidadkii nabad-raadinta ayaa sidoo kale xirmay kadib markii uu Muuse Biixi diiday in uu ciidamadiisa la baxo.

PUNTLAND POST