Dagaal xooggan ayaa sida la soo weriyay saaka oo Sabti ah ka dhacay degaanka Masaggawaa ee Gobolka Galgaduud.
Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhiga ciidamada dowladda ee degaankaas Masaggawaa.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka labada dhinac uu mudda saacado ah halkaas ka socday inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay.
Sidoo kale ciidamada dowladda iyo Al-shabaab midna weli kama hadlin dagaalka islamarkaana way adag tahay in halkaas laga helo xog madax bannaan.
PUNTLAND POST