Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in ay hawlgal qorshaysan ku dishay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas oo laga fuliyay inta u dhexaysa degaannada Ugunji iyo Mubaarak oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.
” Howlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa deegaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ayaa sidoo kale sheegtay in maleeshiyaadka Hawlgalkaas lagu dilay ay ku jireen horjogayaal islamarkaana lagu dhaawacay qaar kale halka qaarna goobta ka baxsadeen.

PUNTLAND POST