
Hindiya ayaa la filayaa in ay Shiinaha kala wareegto dalka ugu dadka badan dunida kahor dhammaadka bisha June ee sannadkan sida ay muujisay qiyaas ay maanta sii daysay Qaramada Midoobey.
Isbeddelkan ayaa la filayaa in uu muujiyo in shacabka Hindiya ay gaaraan 1.4286 bilyan — taasi oo ku dhowaad saddex milyan ka badnaan doonta kuwa Shiinaha oo noqonaya 1.4257 bilyan — sida ku cad warbixinta hay’adda UNPF ee saadaasha dadweynaha dunida.
Shiinaha ayaa ahaa dalka ugu dadka badan adduunka tan iyo markii ay dhacday Boqortooyadii Roman Empire, hase yeeshee sanadkii tegay markii ugu horreysay tan iyo 1960-kii ayey tirada shacabkiisa is-dhimeen, halka kuwa Hindiya ay weli sii kordhayaan.
Sida ay sheegtay hay’adda Pew Research Centre, tirada dadka Hindiya ayaa kordhay hal bilyan tan iyo 1950-kii, sanadkaas oo Qaramada Midoobey ay billowday inay ururiso xogta dadweynaha.
Shiinaha ayaa sannadkii 2016 joojisay “siyaasadda hal-canug” ee la soo rogay 1980-kii ayada oo laga cabsi qabay tiro badnida shacabka, waxayna 2021-kii billowday in ay lamaanaha u ogolaato in ay dhali karaan illaa saddex canug.
PUNTLAND POST