
Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.
Marxuum Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladihii kala danbeeyey ee Ku-meel-gaarka ahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida marxuum Ismaaciil Buubaa.
PUNTLAND POST