
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xalay xilka qaadis ku sameeyay wasiirkii Maaliyadda Hirshabeelle Cali Cabdulle Nuur.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista wasiir Cali Cabdulle Nuur.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasiirka cusub ee Maaliyadda Hirshabeelle loo magacaabay Cabdirixiin Ciise Caddoow.
Cabdiraxiin Ciise Caddoow ayaa ahaa Agaasime waaxeedka shaqada, shaqaalaha iyo tababarrada ee Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS.
PUNTLAND POST