SSC-Khaatumo oo ka hadlay Ergeyga cusub ee loo magacaabay Arrimaha Somaliland

SSC-Khaatumo ayaa markii u horraysay di rasmi ah u caddeeyay mowqifkooda ku aaddan ergeyga cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay arrimaha Somaliland.

“SSC-Khaatumo waxa ay soo dhoweynaysaa Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo uu Ergeyga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay SSC-Khaatumo.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in SSC-Khaatumo aysan kamid ahayn kana mid noqon doonin Somaliland.

“Hase ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah in aanu caddayno in SSC-Khaatumo aysan ka mid ahayn, kana mid noqon doonin Somaliland” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

PUNTLAND POST