Waxgaradka iyo Ganacsatada magaalada Buuhoodle oo waxba kama jiraan ku tilmaamay war been abuur ah oo laga faafiyay degmadaasi.
Waxgaradka iyo Ganacsatada Buuhoodle oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horrayn beeniyay in ay jiraan gaadiid xamuul ah oo lagu dhacay Buuhoodle.
Waxa ay sidoo kale beeniyeen in Buuhoodle af-duub ahaan loogu haysto dad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Warkooda ayaa jawaab u ahaa hadal dhawaan ka soo yeeray odayaal ka hadlay Muqdisho oo sheegay in gaadiid xamuul ah iyo dad looga haysto Buuhoodle.
PUNTLAND POST