
Ciidamada Somaliland ayaa goor dhaweyd weerar culus jihooyin kala duwan kaga soo qaaday magaalada Laascaanood.
Weerarkaas kadib ayaa waxa bilowday dagaal xooggan oo ka socda saddex jiho kaas oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga Daraawiishta SSC.
Dagaalka labada dhinac ayaa sida wararku sheegayaan hadda ka socda jihooyinka Isku-dhoonka, Agoomaha iyo jihada Maraaga.
Dagaalka ayaa marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga hayn khasaaraha ka dhashay.
PUNTLAND POST