Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Jubaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Ciidamada Xoogga dalka SNA iyo kuwa Jubaland ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen dagaalka Al-shabaab.
“Waan bogaadinayaa ciidamada qaranka iyo daraawiishta Jubaland guulihii ay kasoo hooyeen Dagaalkii ay shalay la galeen Khawaarijta. DFS waa ay sii xoojinaysaa doorkeeda howlgalada socda” ayuu yiri Madaxweynaha
Hadalkan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh jeediyay kadib markii uu soo geba-gabeeyay Safarkii uu tegay Dowlad Goboleedka Jubaland.
Halkan ka daawo Hadalkiisa
PUNTLAND POST