Wararkii u danbeeyay ee gurmadyo ciidan oo ku biiray xoogaga SSC

Ciidamo kala duwan oo gurmad u ah xoogagga Daraawiishta SSC ayaa sida la xaqiijinayo ku biiray dagaalka Laascaanood.

Gaadiidka dagaalka gurmadka SSC ayaa saacadihii la soo dhaafay ku gurmayay jiidda dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dhinaca kale Ciidamada Somaliland ee ku urursan Gooja-cadde iyo nawaaxigiisa ayaa laga soo sheegaya dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal.

Ciidamada Somaliland oo lagu jebiyay dagaal ka socday Laascaanood in ka badan 20 cisho ayaa hadda isu diyaarinaya weerar ka xooggan kuwii hore.

PUNTLAND POST