Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in gebi ahaanba laga bara-kacay degaankaas.
Guud ahaan shacabkii ku noolaa Tukaraq ayaa la sheegaya in ay isaga baxeen halkaas oo laga soo werinayo xiisad dagaal.
Tukaraq oo Saddexdii todobaad ee u danbaysay uu ka socday bara-kac xooggan ayaa gebi ahaanba saaka haawanaysa.
Ciidamada Somaliland ayaa fadhiya meel u dhow Tukaraq oo xigta dhinaca laamiga waxaana go’an dhaq dhaqaaqa gaadiidka ee jidkaas.
Dhinaca kale subaxnimadii hore ee saaka ayaa mar hubka culus oo laba dhinac ah laga maqlay nawaaxiga Tukaraq.
PUNTLAND POST