Madaxweynaha Puntland oo dhawaan ku sii jeeda dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhawaan ku wajahan magaalada Dubai ee waddanka UAE.

Sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo xaqiijiyay in Siciid Deni uu maalmaha soo socda u safrayo dalkaas Imaaraadka Carabta.

” Waa xaqiiq in Madaxweyne Deni uu dhawaan u safrayo halkaas iyo Dubai balse xog intaas ka baxsan nooma sheegin” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada.

Safarkiisa Dubai ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan sahmin ku soo sameeyay Marinka Guardafui oo la hadal-hayo in saldhig ciidan laga siinayo dowladda Imaaraadka.

PUNTLAND POST