Ciidamada Somaliland oo saaka weli sii wada duqaynta magaalada Laascaanood

Ciidamada Somaliland ayaa saaka oo Sabti ah weli duqayn ku wada xaafado ka tirsan magaalada Laascaanood.

Goob-joogayaal kala duwan oo ku sugan Laascaanood ayaa soo sheegaya in madaafiic aan loo meel dayin lagu garaacayo xaafadaha qaarkood.

Wararka ayaa xaqiijinaya in hal qof oo rayid ah uu ku geeriyooday duqaymaha saaka ku dhacaya xaafadaha Laascaanood.

Jimcihii shalay oo keliya waxa laga  diiwaan-geliyay Laascaanood  geerida ilaa 8 qof oo rayid ah kuwaas oo ku naf-waayay duqaynta.

PUNTLAND POST