Madaxweynaha Puntland oo maanta booqanaya degmada Xaafuun ee Gobolka Bari

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta booqdo degma-xeebeedda taariikhiga ah ee Xaafuun oo dhacda xeebta badweynta Hindiya

Degmadan oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa ku taalla marin istiraatiiji ah oo ku dheraran Gacanta Guardafui ee muhiim u ah isu-socodka gaadiidka badda ee dunida oo dhan.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale maalmo ka hor booqday degmada Caluula iyo degaanno kale oo ka tirsan Guardafui waxaana la hadal-hayaa in uu sahaminayo saldhigyo ciidan oo la siiyo Imaaraatiga UAE.

Madaxweynaha Puntland ayaa muddooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Boosaaso gaar ahaanna xarunta Ciidanka PMPF oo ay maalgeliso dowladda Imaaraatiga Carbeed.

PUNTLAND POST