
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta lagu soo dhoweeyay degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Caluula kusoo dhoweeyay, Xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda, maamulka Gobolka Gardafuu, kan degmada Caluula iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caluula.
Safarkan ayaa lagu tilmaamay kii u horreeyay ee Siciid Deni Caluula ku tego tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland 8 January 2019.
Waxaa la sheegayaa in uu u kuur-galayo xaaladda bulsho iyo baahiyaha ka jira degmada Caluula balse Madaxtooyadu weli kama warbixin ujeedada safarkan.
PUNTLAND POST