Booliiska Garoowe oo xabsiga dhigay rag ku eedaysan dilka wiil bajaajle ah

Booliiska caasimadda Garoowe ayaa xabsiga dhigay rag ku eedaysan in ay xalay magaalada ku dileen wiil bajajle ah

Saraakiisha Booliiska qaarkood ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay raggaas ku eedaysan dilka marxuumka oo lagu magacaabi jiray Mustafe Maxamed

Saraakiisha ayaa sheegay in raggaas sidoo kale ku eedaysan yihiin isticmaalka maanooriyaha Khamriga islamarkaana gacanta lagu hayo gaarigii ay wateen.

Dhacdooyinka la xiriira maandooriyaha Khamriga oo sababay khasaare kala duwan ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya magaalada Garoowe.

PUNTLAND POST