Madaxweynaha Puntland oo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa guddoomiye KMG ah u magacaabay degmada Godobjiraan oo ka tirsan gobolka Nugaal

Madaxweynaha Puntland ayaa Cabdulqaadir Cabdisalaan Jaamac (Kaynaan) si KMG ah ugu magacaabay guddoomiyaha degmada Godobjiraan.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale guddoomiye ku xigeen KMG ah u magacaabay degmada Carmo ee gobolka Bari.

Cabdiqani Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka KMG ah ee degmada Carmo sida ku cad dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

PUNTLAND POST