Bayaan ay ku saxiixan yihiin dhammaan Nabaddoonada Gobolka Nugaal ayay ku dalbadeen in dib loo dhigo diiwaan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod.
Bayaanka nabaddoonada ayaa lagu caddeeyay duruufta keentay codsiga ah in dib loo dhigo diiwaan-gelinta doorashooyinka dowladaha hoose.
Qoraalka ayay ku sheegeen in dadkii Nugaal ee reer guraaga ahaa ay u hayameen degaano laga diwaangaliyey sida gobolka Karkaar iyo Bari.
Qoraalkan ayaa sida wararku sheegayan loo gudbiyey guddiga doorashada KMG ah iyo dhamaan hay’daha kale ay khuseyso.


PUNTLAND POST