Gobollada SSC ayaa markii u horraysay si madax-bannaan loogu daray Mashruuca Barwaaqo oo ku kacaya Malaayiin doollar, kaas oo laga fulinayo dalka oo dhan.
Barnaamijka Barwaaqo ayaa xoogga saaraya Mashaariicda dhanka Biyaha, Beeraha, dhaqashada Xoolaha nool iyo ilaalinta deegaanka. Waxaa sidoo kale qorshaha qoran ku jira, dhismahaha Awoodda hay’adaha dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo wax soo saarka iyo Xoolaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Mashruucaas laga hirgelin doono Gobollada SSC, sida ay shaacisay Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta DFS.
Waxaa xusid mudan in Gobollada SSC markii hore loo aqoonsanaa dhul lagu muransan yahay, islamarkaana aysan heli jirin Mashaariicda Horumarinta.
PUNTLAND POST