
Shirweynaha Qurba-joogta Puntland oo muddooyinkii danbe ka socday magaalada Garoowe ayaa xalay la soo geba-gabeeyay.
Shirka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed qodobaysan oo ku saabsan arrimihii looga hadlay mudadii shirkaas socday.
War-murtiyeedka ayaa soo jeediyay in wax laga qabto guud ahaan xarumaha iyo adeegyada caafimaadka Puntland.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladda iyo Qurba-joogtu iska kaashadaan hirgelinta isbitaallo takhakhus oo looga maarmo caafimaadka dibaddda.
Halkaan ka daawo Muuqaalka
PUNTLAND POST