Maleeshiyaad qabsaday xarunta wasaarada Caafimaadka Puntland ee Gaalkacyo

Maleeshiyo beeleed hubaysan ayaa saaka la wareegay xarunta wasaaradda Caafimaadka Puntland ee magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyaadka ayaa gebi ahaanba albaabada isu dhuftay xarunta wasaaradda islamarkaana weli gacanta ku haya sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Lama oga sababta ka danbaysa in maleeshiyaadkan hubaysan qabsadaan xarunta wasaaradda.

Waxaase muddooyinkii danbe isa soo tarayay cabashooyinka ka imaanayay bulshada iyo eedeymo musuq maasuq ee loo jeedinayo xubnaha ugu sareeya Wasaaradda ee Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST