Xukuumadda Puntland iyo xubno ka tirsan urur siyaasadeedka Dhalinyarada ayaa wada hadal hoose u socdaan si ururkaas loogu qanciyo doorashada.
Xogo kala duwan ayaa sheegaya in wada-hadal labada dhinac uu yahay mid lagu qancinayo ururka in uu aqbalo doorashada.
Lama oga in wada-hadalka socda uu wax ka beddel doono mawqifka urur siyaasadeedka Dhalinyarada ee dhinaca doorashada.
Horseed iyo Mideeye ayaa sidoo kale kamid ah urur siyaasadeedyada aan weli aqbalin doorashada.
PUNTLAND POST