Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo ka badbaaday in Codka Kalsoonida loo qaado

Baarlamanka Koonfur Afrika ayaa diiday dacwadda xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne Cyril Ramaphosa, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaaka dalkaas.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa u codeeyay in ay diidaan warbixin ay soo saareen guddi khubaro ah oo helay caddaymo horudhac ah oo muujinaya in Ramaphosa uu ku kacay anshax-xumo la xiriirta lacag lagu qariyay beertiisa.

Fadeexaddan oo markii hore ay warbaahintu baahisay ayaa Ramaphosa waxba kama jiraan ku tilmaamay isagoo sheegay in aanu wax qalad ah samayn.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa waxa uu ka horyimid warbixinta maxkamada, balse qaar ka mid ah mucaaradka ayaa ku baaqay in uu iscasilo.

PUNTLAND POST