Ururrada Siyaasadda Puntland oo shir wada-tashi ah ka yeelana doorashooyinka lagu muransan yahay

Ururrada Siyaasadda Puntland ayaa shaaciyay in ay shir wada-tashi ka yeelanayaan barnaamijka lagu muransan yahay ee doorashooyinka qof iyo cod.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ururrada siyaasadda Puntland, ayay ku sheegeen in ay shir wada-tashi ah Garoowe ku yeelan doonaan maalinta Axadda ah oo ku beegan 27-ka bishan November.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ururrada siyaasaddu ay shirkaas kaga tashanayaan xaaladaha ku xeeran doorashooyinka qof iyo cod, si ay talo midaysan uga yeeshaan.

Ururrada siyaasadda ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay mowqif midaysan ka yeeshaan doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024.

” War-murtiyeedka shirkeenna ka soo bixi doona; waxa kamid ah in madaxweynuhu shacabka u caddeeyo arrinta doorashada 2024″ ayuu yiri mid kamid ah madaxda ururrada siyaasadda Puntland.

PUNTLAND POST