Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa maanta ku wajahan dalka Imaaraatiga Carbeed.

Madaxweyne Deni oo maalnihii la soo dhaafay kulamo siyaasadeed ka waday Nairobi ayaa ku sii jeeda magaalada Dubai ee waddanka UAE.

Magaalada Dubai waxaa sidoo kale ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo halkaas kaga sii horreeyay Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu soo maro dalka Jabuuti kadib markii uu ka soo laabto UAE.

PUNTLAND POST