
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay guddiga Aaska Qaran ee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ku geeriyooday Garoowe.
1. Cabdi Faarax Siciid Juxa: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta (Guddoomiye).
2. Cabdisamad Maxamed Gallan: Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.
3. Maxamed Cabdiraxmaan: Dhabancad Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
4. Maxamuud Caydiid Dirir: Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyada, Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka.
5. Jaamac Faarax Xasan: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
6. Cabdullaahi Maxamed Xasan: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
7. Ilyaas Cismaan Lugatoor: Wasiirka Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Garoomada.
8. Gen. Muumin Cabdi Shire: Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland.
9. Cawil Xasan Mataan: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.
10. Cabdulqaadir Maxamed Geedi: Duqa Degmada Garoowe.