Hawlihii ugu muhiimsanaa ee Booliiska Soomaaliya ka hayeen Muqdisho oo lagu wareejiyay Nabadi-sugidda NISA

Hawlihii ugu muhiimsanaa ee Booliiska Soomaaliya ka hayeen magaalada Muqdisho ayaa lagu wareejiyay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhinaca Amniga ah.

Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salaad ayaa sida la xaqiijiyay amar ku bixiyay in dhammaan shaqooyinka muhiimka ah ee Booliiska Soomaaliyeed ka hayeen magaalada Muqdisho lagu wareejiyo NISA.

Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir iyo Booliiska gaarka ah ee loo yaqaan Haramcad ayaa laga hakiyay Shaqada waxaana sida wararku sheegayaan lagu wareejiyay Ciidanka Duufaan oo ka tirsan Nabad-sugidda NISA.

Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin go’aanka Shaqada looga hakiyay Ciidamada Booliiska Muqdisho islamarkaana lama sheegin sababta keentay Tallaabadan.

PUNTLAND POST